Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen, qaraxyo iyo weeraro ka dhan ah ciidanka Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland.
Haddaan ku horeyno gobalka S-hoose, Qarax ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka, waxaana lagu dhaawacay 2 askari.
Isla Sh-hoose kolonyo katirsan maleeshiyaadka Bangaraf ee uu Mareykanku tababartay kana soo baxay xerada Ballidoogle ayaa qarax lala beegsaday, waxaana lagu gubay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen.
Geesta kale ugu yaraan 3 askari oo katirsan maamulka la baxay Jubbaland ayaa lagu dhaawacay, kamiin ka dhacay duleedka deegaanka Kaambooni ee ay ku yaalla xad-beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa weerar lagu miray xerada Oodow oo ay askarta maamulka la baxay Jubbaland ku leeyihiin isla xad-beenaadka.