Sunday, March 9, 2025
HomeAll NewsRoobab Duufaanno Wata oo Korontada Ka Jaray Malaayiin Qof oo kunool Austrelia.

Roobab Duufaanno Wata oo Korontada Ka Jaray Malaayiin Qof oo kunool Austrelia.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Bariga wadanka Australia Ku dhuftay, dabeyl saameyn ku yeelatay wadankaasi, taasoo sababtay koronto la’aanta boqolaal kun oo guri.

Dabeyl aad uxooggan oo ka timid dhanka xeebta ayaa sababtay iney soo dhacaan geedo badan iyo fiilooyinka korontada, shirkadda korontada ee wadankaasi ayaa sheegtay in 330,000 [ sedax boqol iyo sodon kun] oo guri ay koronto la’aan noqdeen, sababo la xiriira saameyntii ka dhalatay duufaantan.

Dhanka kale waxaa isla wadankaasi ka da’aya roobab sababay in wabiyaadii wadankaasi ay buuxsamaan, waxaana khatarta ugu badan ee xilligan wadankaasi ka jirta tahay daad ku dhufta dalkaasi, kadib markii nin 61 jir ahaa uu ugeeriyooday sababo la xiriira roobabkan iyo wabiyada buuxsamay.

Ninkan ayaa ku dhacay wabi ku yaalla wadankaasi, xilli uu gaarigiisu dulmarayay buundo marta wabiga dushiisa, wuxuuna gaarigii kula dhexdhacay biyaha, hase ahaatee wuu kasoo baxay gaariga, geed ayuuna isku dayay inuu ku dhego, balse biyaha ayuu ku qarqoomay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.