Monday, March 10, 2025
HomeAll NewsRoobab Khasaare Dhaliyay oo Ka Da'ay Dalka Arjantiin.

Roobab Khasaare Dhaliyay oo Ka Da’ay Dalka Arjantiin.

Roobab aad uxooggan oo tan iyo Jimcihii lasoo dhaafay ka da’ayay dalka Argentine ayaa sababay, dhimashada dad ka badan toban qof iyo wax yeello soo gaartay adag oo soo gaartay meelaha ay saameeyeen daadadka robabka da’ay.

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhimatay magaalo xeebeedka Baahayaa Bilanka ee wadanka Argentine, kadib markii ay ku nafwaayeen natiijada ka dhalatay roobaab xooggan oo subaxnimadii Jimcaha ka billowday magaaaladaasi.

Baahayaa Bilanka ayaa noqtay meel ay biyo aad ubadan oo ka dhashay roobabka buux dhaafiyeen, waxaana la baadi goobayaa labo caruur ah oo la waayay kadib markii ay roobabkan bilowdeen, sido kale wararku waxay intaasi ku darayaan in dadka ku dhintay 11 kamid ah la aqoonsaday, dhimashaduna ka badankarto tirada haatan la hayo.

Magaaladan daadadku ku dhufteen waxaa ku noolaa dad lagu qiyaasay 350,000[sedax boqol iyo kun] oo ruux, boqolaal qof ayaana xilligan wajahaya xaalado adag.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.