Wednesday, March 12, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Dad Suuriyaan ah ku Dilay Duqeyn uu ka Fuliyay Dekadda...

Ruushka oo Dad Suuriyaan ah ku Dilay Duqeyn uu ka Fuliyay Dekadda Magaalada Odessa ee Dalka Ukraine.

Hay’adda dekadaha ee dowladda Ukraine ayaa maalintii shalay war ay soo saartay ku sheegtay, in weerar gentaallo ah oo uu Ruushku ka fuliyay dekadda Odessa ee dacalka ku haysa badda Madow.

Duqeyntaasi waxay Ruushku la beegsadeen Markab la sheegay inuu leeyahay nin Suuriyaan ah oo taagnaa dekadda magaalada Odessa islamarkaana uu waday Qamadi.

Gentaalladan ayaa waxay Ruushku ku dileen 4 nin oo Suuriyaan ah sida ay hay’addan Ukriane uqaabilsan dekadaha, raggan oo dhamaantood dhalinyaro ahaa ayaana sawiradooda lagu baahiyay Baraha Bulshada.

Sido kale waxay waxyeello soo gaartay markabka la sheegay in laga leedahay dhanka dalka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.