Afhayeennka Aqalka looga taliyo Ruushka ee Karimilin ninka lagu magacaabo Dmitry Peskov, ayaa shalay oo Talaado ahayd sheegay, in dowladda Ruushku ay diyaar utahay dhexdhexaadinta dowladaha Mareykanka iyo Iiraan
Wuxuu cadeeyay afhayeenka Kirimilinka, in madaxweynaha Ruushku uu ogolyahay arrintan, islamarkaana dhexdhexaadinta uu labadan dowladood dhexdhigayo ay tahay iney xal ka gaaraan mushkiladda ka heysata dhanka Hubka Nucleark-ka.
Sida uu sheegay il wareed soo xiganaya wakaaladda wararka Reuters, Ruushku isaga ayaa soo bandhigay arrintan, mana laga dalban inuu dhexdhexaadiye noqdo.
Lataliyaha dhanka siyaaradda arrimaha dibadda ee Putin ayaa sheegay, in wadahadalladii Ruushka iyo Mareykanka Sucuudiga ku dhexmaray lagu soo hadal qaaday Iiraan, islamarkaana labada dhinac isku waafaqeen in labilaabo wadahadallada ku saabsan arrintan.
Isku soo wada duuboo dowladaha Iiraan iyo Mareykanka ayaa isku haya arrimo la xiriira hubka wax gumaada ee Nuclear-ka, iyo kooxaha ay taageerto ee ka dagaallama mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe, kuwaasoo Mareykanku u arko iney ku hor gudban yihiiin danaha uu ka leeyahay gobolka, dhanka kalena uu mar waliba kala kulmikaro khataro amni.
Dhanka Dowladda Iiraan iyo Ruushka waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waana taas midda keentay inuu Ruushku isku arko mid qaadankara dowrka dhexdhexaadinta labada dhinac.