Maalintii shalay war kasoo baxya aqalka Kirimilinka ee looga taliyo dowladda Ruushka ayaa lagu adkeeyay, diidamada ah iney kasoo horjeedaan in ciidamo nabad ilaalin lagu sheegay oo ka socda wadamada Yurub la geeyo dalka Ukraine oo uu Ruushku dagaal kaga jiro.
Dowladda Ruushka ayaa kol hore sidan oo kale uga soo horjeesatay, in ciidamo ka socda ururka NATO la geeyo Ukraine, Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda ee Lafroof ayaana todobaadkii tegay sheegay, iney Mooskoow isha ku hayso arrintaasi, una aragto arrin ka dhanka ah madax banaanida Ruushka sida uu hadalkiisa udhigay.
Afhayeenka aqalka looga taliyo Ruushka ayaa mar uu la hadlayay saxaafadda maalintii shalay sheegay, in arrintan uu go’aan meel uga yiillay, kaasoo uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka aysan jirin wax uu ku darayo tacliiqna uusan ka bixineynin.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay dowlada Mareykanka ku howlan tahay sidii heshiis xabad-joojin ah looga gaari lahaa dagaalka Ukraine iyo Ruushka, isagoo ka dhex eegayana danihiisa.