Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Mooskoow ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday, iney dib usoo ceshatay sedax magaalo oo dhaca mandiqadda Kursk ee Galbeedka wadanka Ruushka, xilli ciidanka Ruushku ay isku dayayeen iney dib usoo riixaan askar katirsan kuwa Ukraine oo muddo ka badan sanad barkiis halkaasi ku leh saldhigyo islamarkaana gacanta ku hayay.
Magaalooyinka uu Ruushku dib ula wareegay ayaa dhaca Waqooyiga magaalada Sodja, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Malaayaa Lukhanyaa, Tash-kaskuwii-Burishnooy iyo Kositsa.
La wareegitaanka ciidanka Ruushka ee magaalooyinkan ayaa imaanaya, xilli Ukriane ay waysay taageeradii Mareykanka ee dhanka Dagaalka, taasoo culus wayn ku keentay xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Kyiv.
Si guud dagaalka dhexmaraya dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa noqday mid daba dheeraaday oo ay xattaa ku daaleen dhinacyadii kala taageeriyay labada dowladood.