Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsRuushka & Ukraine oo Isdhaafsaday Weeraro Diyaarado loo Adeegsaday oo Khasaare Dhaliyay.

Ruushka & Ukraine oo Isdhaafsaday Weeraro Diyaarado loo Adeegsaday oo Khasaare Dhaliyay.

Galabnimadii shalay illaa iyo subaxnimadii maanta, waxaa weeraro dhanka cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qarxaya isdhaafsaday, xukuumadda Mooskoow iyo tan Kyiv.

Haddii aan ku hormarno Ukriane, waxay shalay galab Ruushka ku weerartay tiro diyaarado Drones ah, waxayna dowladda Ruushku sheegtay, iney 21 diyaaradood oo kaga yimid dhanka Ukraine kahor tagtay oo ay soo ridday.

Dhankeeda Mooskoow, waxay weeraro loo adeegsaday diyaaradan oo duuliyaha lahayn ku qaaday magaalooyin dhowr ah oo kamid ah dalka Ukriane, kuwaasoo ay ku jiro caasimadda wadankaasi.

Ruushku wuxuu saakay weerar loo adeegsaday Drones ka fuliyay, magaalada Awdiisiya, wuxuuna weerarka halkaasi ka dhacay saameyn ku yeeshay nolol maalmeedkii magaalada, kadib markii ay korontadu ka go’day.

Isku soo wada duuboo weerarada uu Ruushku ka fuliyay Ukraine ayaa waxaa ka dhashay khasaare hanteed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.