Monday, March 3, 2025
HomeAll NewsSaraakiil iyo Askar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo ka Firxaday Furimaha Dagaalka ee...

Saraakiil iyo Askar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo ka Firxaday Furimaha Dagaalka ee Sh-dhexe.

Xasan Cali Nuur SHuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa isagoo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuu sheegay in saraakiil iyo ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ee ku sugnaa Shabeellaha Dhexe oo firxaday lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Isagoo la hadlayay ciidamo niyad jabsan oo lagu soo jebiyay dagaallada maalmahan ka socda Shabeellaha Dhexe, ayuu sheegay iney ceeb tahay in askarta Dowladda Federaalka ay fulayo noqdaan, wuxuuna ku caraadiyay iney furinta ku sugnaadaan, ciddii furinta kasoo tagtana la xiri doono.

Shaqada ay soo doonteen ayuu ku sheegay ineysan ahayn jallaato gadis balse ay tahay shaqo ciidan, sidaas darteedna tilmaamta ugu xun ee askari lagu tilmaamo ay tahya inuu fulay yahay, ayna ka xunyihiin in saraakiil iyo ciidamo noocaas ah ay jiraan.

Hadalka Shuute ayaa waxaa aad uga muuqdo niyad jab xoogan, iyadoo ciidamada Dowladda Federaalka ay ka firxanayaan furimaha Shabeellaha Dhexe, iyagoo diiday iney ka hortagaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkaan ka Degso Warka Firxadka Saraakiisha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.