Iyadoo wali ay wadanka Koonfurta Suudaan ka jirto xaalad deganaansho la’aan ah islamarkaana amnigu farahaa ka baxay, ayaa waxaa maalinii shalay halkaasi ka dhacay iska hor imaad udhaxeeyay ciidamo taabacsan madaxweynaha ku xigeenka dowladaasi iyo Millateriga xukuumadda Koonfurta Suudaan.
Iska horimaadkan ayaa dhacay kadib markii ay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku soo degtay magaalada An-Naasir taalla dalkaasi ay weerar ku qaadee ciidamadan, xilli ay dooneysay iney halkaasi kasoo daadgureyso askarta katirsan kuwa xukuumadda Koonfurta Suudaan oo halkaasi joogay.
Dagaal aad uxooggan ayaa halkaasi ka dhacay kaasoo gallaaftay nolosha ku dhawaad 27 askari iyo mid kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynayay diyaaradda, sida uu sheegay wasiirka warfaahinta ee xukuudda ka jirta dalkaasi.
Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay oo ka hadashay dhankeeda shaqaalaha laga dilay, ayaa sheegtay iney tahay dembi dagaal sida ay hadalka udhigtay, waxayna dhanka kale aad uga xumaatay shaqaalaha laga dilay.