Shil gaari oo dhaliyay khasaare baaxad leh ayaa ka dhacay dalka Itoobiya, Ugu yaraan 26 qof ayaana dhintay kadib markii bas ay saarnaayeen uu ku rogmaday gudaha gobolka Oromada, sida ay wariysa warbaahinta Fana ee kasoo waranta gobolka.
Basku wuxuu ka ambabaxay magaalada Shambu, oo ku taalla galbeedka Itoobiya, wuxuuna kusii jeeday caasimadda Addis Ababa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay kormeeraha amniga waddooyinka ee gobolka Oromada, Asnake Mesfin.
Asnake ayaa sheegay in 42 qof oo kale ay dhaawacmeen shilka gaariga, wuxuuna intaa ku daray in tirada dhimashada ay kordhi karto, maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah, oo saacad weliba geeriyoon kara.
Shilkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa dhacay maalintii Talaadada ee aynu soo dhaafnay, waxaana dalka Itoobiya kusii kordhaya shilalka noocaan ah, oo ay ugu wacantahay darawallada oo aan xirafadoodu sareynin, iyo gawaarida oo qaarkood duug ah.
Bishii Demceber ee sanadkii tagay ayay ahayd markii gaari xamuul ah oo rakaab waday uu ku dhacay webi mara gobolka Sidama ee dhaca koonfurta Itoobiya, waxaana shilkaasi ku dhintay ugu yaraan 71 qof.