Maamulka Yahuudda ayaa ka shaqaynaya sidii uu u suuq-geyn lahaa wax-soo-saarka timirta, gaar ahaan timirta loo yaqaano Medjool ee abuurkeeda lagasoo xaday dalalka Carabta, iyada oo qarinaysa cida soo saartay, waxayna ujeeddadu tahay in si ballaaran loo faafiyo, loogana hortago in la qaadaco badeecadeeda.
Yahuudda ayaa sheegata in ay tahay isha ugu weyn aduunka ee soo saarta timirta Medjool, taas oo si aad ah loo dalbado inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waana timirta ugu caansan adduunka oo dhan, marka loo eego tirokoobyo la daabacay sanadkii 2016-ka.
Xafiis qaabilsan wax soo saarka timirta oo ka tirsan maamulka Yahuudda ayaa sheegay, in Yahuuddu ay soo saarto boqolkiiba 75 wadarta guud ee wax-soosaarka caalamiga ah ee timirta Medjool, iyo in ay ku guulaysteen dib u soo celinta kaalintii ay ku lahaayeen gobolka, taas oo ay ugu wacan tahay tirada badan ee uu soo saaro geed kasta oo timir ah oo noocaan ah.
Timirta Majdool waa timir dhadhan macaan, iniinteeduna ay madowdahay, halka midabkeeduna uu lamid yahay shukulaatada oo kale. Balse waxaa iswaydiin mudan, siday Yahuuddu ku heshay Timirtan?
Shirkada Sionist oo ka shaqaysa sidii ay u xoojin lahayd sheegashooyinkeeda ku aadan timirta Falastiiniyiinta, ayaa sheegtay in dhulkan aysan cidi lahayn, ayagoo tiigsanaya qodobadii kasoo baxay shirkii Balfour ee 1924-kii.
Wakhtigaas kaddib Yahuuddu waxay bilaabeen in ay ku beeraan geedo timireed deegaanada Tiberias, Nahalaal, Degania iyo Ein Harod, kuwaas oo ay ka keeneen wadamo carab ah oo ay kamid tahay Masaar.
Tan iyo waagaas Yahuuddu waxay ka shaqaynaysay in ay keento noocyo kala duwan oo abuurka geedaha timirta ee Carabta, kuwaas oo badankoodu ahaa kuwo lasoo tahriibiyay, sababtoo ah wakhtigaas wadamada carabtu waxay ilaashan jireen timirta oo ah wax soo saarka qaranka, waxayna qayb muhiim ah ka ahayd dhaqaalaha gudaha ee dalalkaas.