Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aan looga adkaan karin awood millatari, islamarkaana ay la wareegi doonto guud ahaan Soomaaliya.
Maxamed Cali Amiin oo kamid ah siyaaisyiinta Soomaalida ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ay ka awood badan tahay Dowladda Fedaraalka oo uu ku tilmaamay mid taag daran.
Waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in goordhaw ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegi doonto guud ahaan Soomaaliya, sidii ka dhacday Afghaanistaan oo kale oo uu Mareykanku isagoo dulleysan isaga baxay.
Dowladda Fedaraalka ayuu xusay in marnaba aysan ku dhicin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama buu yiri ay yihiin nidaam Islaami ah oo dadka ku maamulaya Shareecada Islaamka, bulshada oo idilna ay iyaga ku qanacsan yihiin.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen siyaasiyiinta quusta ka muujinaya dagaalka ay Dowladda Fedaraalka kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo si isku mid ah u sheegaya in Soomaaliya ay ka dhici doonaan wax lamid ah wixii ka dhacay Afghanistaan oo kale.