Maamulka Ala-Sucuud ayaa waxaa lagu eedeeyay in boqallaal ruux oo Itoobiyaan ah uu ku dilay xadka ay wadaagaan Sucuudiga iyo Yeman.
Hey’adda sheegata iney u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay maamulka Aala-Sucuud ku eedeeyay, inuu laayay boqallaal tahriibayaal Itoobiyaan ah oo doonayay iney gudaha ugalaan Sucuudiga.