Dowladaha Itoobiya iyo Ereteria oo isku hub uruursanaya iyo saan saan dagaal oo laga dareemayo halka ay iska saaran yihiin labada wadan.
Iyadoo waayihii udambeeyay uu sii xoogeysanayay khilaafka udhaxeeya labadan dowladood ayaa waxaa haatan xadka udhaxeeya labadan dal laga dareemayaa saan saan colaadeed.
Dowladda Erateria ayaa nidaamkeeda difaaca hawada looga lidka diyaaradaha keentay xadka udhaxeeya labadan dal, waxaan al sheegay in qorshaheedu yahay kahor tagga weerarada ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska loo yaqaan oo ay haysato Itoobiya.