Maalin kadib markii ay askarta Suudaan kala wareegeen kooxda RSF magaalada Ar-Rahdi ee gobolka Waqooyiga Kardafaan, waxay halkaasi ka geysteen xad gudubyo ay kula kaceen shacabka magaalada.
Ciidanka Suudaan ayaa dilay dhowr qofood kamid ahaa dadka magaalada, halka qaar kalena ay xabsiga dhigeen.
Dadka ay dileen ee magacyadooda la helay waxaa kamid ah: Muxammad Sacdu-Diin, Al-Amiin Cabdullaahi, Xasan Cali, Sheekh Xasan Cali iyo Cabdullaahi.
Sido kale waxay xireen in ka badan 100 ruux sida ay ku warramayaan il wardeedyo ku sugan halkaasi, waxayna dadka ula dhaqmayaan ciidanka si arxan darro ah, iyagoo rasaas aan loo meel dayin ku furaya.