Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsTaliyihii Ciidanka Bangaraf ee Jubbaland oo Xilka Laga Qaaday.

Taliyihii Ciidanka Bangaraf ee Jubbaland oo Xilka Laga Qaaday.[DHAGEYSO]

Dowladda Fedaraalka ayaa sheegtay iney xilka ka qaaday taliyaha ciidanka Mareykanka tababartay ee Bangarafta ee maamulka la baxay Jubbaland.

War kasoo baxay taliyaha ciidanka ee Dowladda Fedaraalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa lagu sheegay in xilka laga qaday, Carab Dheeg Ahmed oo ah taliyaha ciidanka Bangarafta ee Mareykanku taba baray kana howlgala Jubada-hoose.

Carab dheeg ayaa xilka qaadistiisu waxa ay kusoo aadeysaa iyadoo uu maalintii shalay uu ka hadlay, xiisadda u dhexeysa Dowladda Fedaraalka iyo maalulka la baxay Jubbaland, isagoona dhaliilo ujeediyay maamulka Xasan Sheekh.

Sarkaal kale oo katirsanaa ciidanka Bangarafta oo isana ku sugan Kismaayo ayaa loo magacaabay xilkaan, kaas oo lagu magacaabo Ariif hire, illaa iyo haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ku aaddan tallaabada ay qaaday Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Xil ka Qaadista

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.