Wednesday, March 5, 2025
HomeAll NewsTirada Dadkii ku Dhintay Roobab Duufaanno Wata oo ka Da'ay Mareykana oo...

Tirada Dadkii ku Dhintay Roobab Duufaanno Wata oo ka Da’ay Mareykana oo Korortay.

Wadanka Mareykanka, Barigiisa iyo bartamihiisa waxaa ka iirta xaalad halis ah, kadib markii gobollo dhaco halkaasi ay ka da’een roobab ay barbar socoto dabeyl xooggan daadadna wata.

Dadka dhintay oo shalay tiradooda kaliya ahayd 9 ruux, ayaa gaaray ugu yaraan 14 qof, waxaana jira dad wali la’yahay.

Gobollada Farjiiniya, Joorjiya, iyo Kentucky, ayey dadkani ku nafwaayeen, waxaana ugu badan xagga dhimashada gobolka Kentucky, oo 8 qof kaligiis ay ku dhimatay, kadib markii ay qarqoomeen.

Boqolaal qof ayaa la sheegay iney ka barakaceen musiibooyinka Rabbaaniga ah, halka kumanan guri oo kalena ay koronto la’aan iyo biyo la’aan yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.