Sunday, March 9, 2025
HomeAll NewsTiro Kamid ah Malleeshiyada Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Koonfur Galbeed Yaman.

Tiro Kamid ah Malleeshiyada Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Koonfur Galbeed Yaman.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta Shiicada ah ee ka dagaallama wadanka Yaman, taageeradana ka helaya, dowladda Iiraan, ayaa shalay weerar dhabbagal ah oo loo dhigay lagu dilay 3 kamid ah kooxdan.

Xukuumadda taagta daran ee Yaman ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, wuxuuna ka dhacay Galbeedka magaalada Taciz ee wadanka Yaman.

Ciidanka Dowladda Yaman ayaa sheegay inuu kamiinkan daba socday, weerar ay Xuuthiyiintu maalin kahor dhacdadan kusoo qaadeen saldhigyo ay askarta Yaman ku leeyihiin Bariga magaalada Taciz ee dalkaasi.

Dhanka kale war kasoo baxay xukuumadda Yaman ayaa lagu sheegay in shalay ay malleeshiyada Xuuthiyiintu weerar kusoo qaadeen saldhiyo ay ciidanka Yaman ku leeyihiin Koonfurta gobolka Ma’rib ee dhaca Waqooyi Bari wadanka Yaman, waxayna sheegeen iney khasaare culus oo naf iyo maalba leh gaarsiiyeen malleeshiyadii soo weerartay sida ay hadalka udhigeen.

Wali ma helin ilo ka madax banaan xukuumadda Yaman oo xaqiijinaya sheegashadooda, hase yeeshee waxaa muuqata iney markan dib usoo laabteen dagaalladii udhaxeeyay Xuuthiyiinta iyo xukuumadda Yaman, kadib in muddo ah oo aysna xabad isku ridin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.