Monday, March 3, 2025
HomeAll NewsTrump oo Aqalka Cad ee Mareykanka si Xun Ugu Bahdilay Volodymyr Zelenskyy.

Trump oo Aqalka Cad ee Mareykanka si Xun Ugu Bahdilay Volodymyr Zelenskyy.[WARBIXIN]

Hogaamiyaha Ukraine wuxuu qorsheynayay inuu maalinta Jimcaha booqasho ku tago dalka Mareykanka, halkaasi oo uu doonayay inuu Trump heshiis la xiriira macdanka ku jirta wadankiisa lasoo saxiixdo.

Iyadoo sidaasi qorshuhu ahaa ayaa la gaaray maalintii Jimcaha, wuxuu madaxweynaha Ukraine usafray dalka Mareykanka gaar ahaaan magaalada Washington ee caasimadda wadankaasi, waxanaa uu gudaha ugalay Aqalka Cad ee looga Taliyo Mareykanka, hase ahaatee wuxuu halkaasi kala kulmay arrin fajac iyo lama filaan ku noqotay isaga, Caalamka oo dhanna cashar cusub ay ka barteen.

Volodymyr Zelenskyy iyo Donlad Trump oo hor fadhiya warbaahinta Caalamka oo idilna laga daawanayo, ayaa waxaa si isku mid ah weerar afka ah ugu qaaday madaxweynaha Mareykanka iyo ku xigeenkiisa, waxayna ula dhaqmeen si aan wanaagsaneyn, kadib markii ay kaamirada horteeda ku bahdileen.

Trump iyo dowladdiisa Zelenskyy ma aysan ula dhaqmin sida in uu yahay madaxweyne matalaya wadan kale, ee waxay dadka hortooda ugu canaanteen sida askari iyaga ka hoos shaqeeya oo kale.

Markii uu Zelenskyy isku dayay inuu soo bandhigo dhibaatada uu kala kulmayo Ruushka iyo sida uu ula dhaqmo Ukraine, waxaa hadalka qaatay madaxweyne ku xigeenka Trump, wuxuu Zelenskyy hadalkiisa ka dhigay mid lagu weerarayo Mareykanka, kolkaas ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri, hadal markii lasoo koobo macnihiisu yahay awood meesha kuma aysan ee waxaa adeegsataan been oo kaliya isagoo markii isku muujinaya nin Ukraine uga xog ogaalsan Zelenskyy.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.