Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay wareegto cusub 4-ta bishii Febraayo, taas oo ahayd in uu dib u bilaabi doono cadaadiska dhaqaale oo uu kusoo rogay dawladda Iran. Talaabadan lagu sii adkeynayo cunaqabateynta ayaa dib u dhac ku keentay xukuumada Tehran, inkasta oo ay taasi jirtay Trump ayaa markale ku dhawaqay inuu raadinayo heshiis cusub oo uu la galo Iran, arintan ayaana ugu dambayntii keentay in hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ali Khamenei uu ka digo wada xaajood lala galo Washington.
Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uusan marna aqbali doonin dariiq kasta oo ay Iran ku samaysan karto hubka Nukliyeerka, wuxuuna amar ku bixyay in waaxda Maaliyadda ee Maraykanku ay ku soo rogaan cadaadis dhaqaale oo xooggan. Qoraalka uu soo saaray Trump ayuu kaga hadlay ka hortaga dhoofinta saliidda Iran.
Madaxwaynaha Maraykanka ayaa saxaafada u sheegay, in amarkii uu cunaqabataynta ku saarayay Iran uu ahaa mid aad u adag, balse uu ka tanaasulay ra’yigaas oo aanu ku faraxsanayn inuu saxiixo, isagoo muujiyay sida uu u jecel yahay in la gaaro heshiis la xiriira kahor taga Barnamijka Nukliyeerka, inkasta oo uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan qodobbada suurtagalka ah ee heshiiska.