Wasiirkii hore ee dagaalka dowladda Ingiriiska Sir Gavin Williamson ayaa sheegay, iney suuragal tahay in maamulka cusub ee Donald Trump ee dhawaan ku guuleystay doorashada madaxtnimada dalka Maraykanka, uu u aqoonsado maamulka Soomaaliland inuu yahay dal ka go’ay Soomaaliya intiisa kale.
Ninkan oo xubin ka ah xisbiga Muxaafidka ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu la sheekeystay xubno kamid ah fariiqa Donald Trump madaxdweynaha la doortay ee dalka Maraykanka, ayna u sheegeen suurtogalnimada in Trump uu qaado tallaabo uu ku aqoonsanayo maamulka labaxay Soomaaliland.
” Waxaa suurogal ah in arintu waqti qaadato, si ka duwan sida aan fileyno” ayuu yiri wasiirkii hore ee dagaalka dowladda Ingiriiska, oo lagu tiriyo shakhsiyaadka aadka ugu ololeeyo in Soomaaliya si toos ah loo kala qeybiyo, maamulka Soomaaliland-na uu noqdo gobol ka go’a Soomaaliya inteeda kale.
Dowladda Ingiriiska ayaa qeyb ka ah dowladaha reer galbeedka ee faragelinta iyo duullaanka ku haya Soomaaliya, waxayna dowladani hirgelisay maamul goboleedyada kajira dalka, oo qeyb ka ah tallaabooyinka lagu kala qeybinayo Soomaaliya. Donald Trump-ka xilligan ku guuleystay doorashada Maraykanka ayaa isaguna ah maangaab aan wax badan ka gamban, sidaasi darteed lama baciidsan karo inuu qaado tallaabo uu ku kala qeybinayo Soomaaliya.