Talaadadii shalay labo wufuud ka kala socotay dowalaha Mareykanka iyo Ruushka oo ay qeyb ka yihiin labada wasiir arrimo dibadeed ee xukuumadaha dalalkaasi ayaa ku kulmay magaalada Riyaadh ee xarunta u ah maamulka Aala-Sucuud.
Kadib wadahadallo socday muddo afar saacadood iyo bar ah, waxaa soo dhamaaday fadhigii ugu horreeyay ee wadahadalladan, qodobada laga doodayay ayaana kala ah, soo afjariadda dagaalka Ukraine iyo Ruushka, doorashooyin ka dhaca Ukraine, iyo in la saxiixo heshiiska lawada gaaray.
Sedaxdan qodob midka ugu horreeya ayaa la sheegayaa inuu qaadan waqti ku filan, sababo la xariira labada dowladooda oo mid waliba kan kale dhul ka haysto, dagaalka ayaana markii horaba ku saleysnaa dhulballaarsi.
Xukuumadda Mooskoow ayaa durbaba soo dhaweysay wadahadalladan, waxaana arrimaha ay kawada hadleen iyaga iyo Mareykanka kamid ahaa, kulan dhexmara Putin iyo Trump, kaasoo la sheegayo inuusan isbuuca soo socda suuragal ahayn.
Isku soo wada duubo majirto wadahadallada ayaa ah kuwo sii socon doona, walina majiro heshiis rasmi ah oo lagu soo afjaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka.