War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa looga hadlay safarkii uu maanta magaalada Muqdisho ku yimid, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasoo uu si diiran usoo dhaweeyay Xasan Sheekh Maxamuud.
War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay, in damaca Itoobiya ee la xiriira qaadashada badda Soomaaliya uu yahay mid soo jireen ah, uuna Abiy Axmed maanta doonayo, inuu xaqiijiyo wixii ay ku hungoobeen awooweyaashiisa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegtay, inaaney marnaba ogolaan doonin isku day weliba oo badda Soomaaliyeed loogu gacan gelinayo Itoobiya, iyadoo bogaadisay duqeyntii maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu garaacay xilliga uu kasoo degayay Abiy Axmed.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedka in duqeyntaasi ay baajisay xaflad lagu waday, in Muqdisho loogu dhigo Abiy Axmed iyo wafdiga uu hogaaminayo, iyadoo sdoo kale dagaalkii ka dhacay Balcad uu fashiliyay socdaal wafdiga Abiy Axmed qeyb kamid ah ku tagi lahaayeen magaaladaas oo ay Itoobiya aaminsantahay iney iyadu leedahay.
War saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa shacabka Soomaaliyeed loogu diray farriin ah iney heegan u galaan difaaca dhulkooda iyo badooda, kaasoo lagu ilaalin karo oo keliya Jihaad iyo halgan Islaami ah.