Cumar Cali Cabdi oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashandhiga Dowladda Federaalka, ayaa hanjabaad culus u jeediyay saraakiil katirsan Dowladda Federaalka, oo uu ku eedeeyay iney faafiyaan aragtida iyo sawirada ay baahiso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in saraakiishaas ay xogtooda hayaan, tallaabana ay ka qaadi doonaan.
Wasiiru dowlaha wuxuu sidoo kale sheegay in xillibaannada la faray iney furimaha dagaalka tagaan, halkaasina sawirro isaga soo qaadaan.