Thursday, March 6, 2025
HomeAll NewsWeerar Khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo ka Dhacay Galgaduud.

Weerar Khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo ka Dhacay Galgaduud.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar kamiin ah waxa ay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Kamiinka ayaa lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo isku dayay iney dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan duleedka degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud.

Weerarka ayaa waxa uu askartaan ku qabsaday deegaanka Geerille ee dhaca duleedka degmada Ceeldheer, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay 1 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay weerar, kaas oo laga furtay qorigii iyo booshkii uu watay, halka lagu dhaawacay mid kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.