Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro horleh oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen, degmooyin iyo deegaanno katirsan gobalka Mandheera ee dhulka NFD oo ay gumeysato Dowladda Kenya.
Gaari Kooyal ah ayaa markale ciidanka Kenya looga gubay kamiin ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Ceel-qaalow iyo deegaanka Harazuki ee gobalka Mandheera oo katirsan dhulka NFD.
Gaariga ayaa waxaa ku rakibnaa qori Jiib ah, waxaana gabi ahaanba dhimasho iyo dhaawac u qeybsamay askartii saarneed.
Sidoo kale habeenkii xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xerada ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Allungo oo hoostaga degmada Lafey ee isla gobalka Mandheera.