Wali waxaa degmooyin iyo deegaanno katirsan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida Itoobiya ka soconaya, beegsiga uu maamulka Mustafa Cagjar ku hayo dhalinyarada ku nool dhulkaaas.
Cabdi Xirsi oo ah wiil dhalinyaro naafo ah ah ayaa waxa uu in muddo ah u xiran yahay sarkaaal lagu magacaabo Gafaadhe, kaas oo tacdiib iyo dhibaatooyin daran loogu geysto xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga.
Isbuucyo kahor ayaa wiilkaan oo koomo ku jira waxa ay maleeshiyaadku kusoo tuureen isbitaalka Jigjiga, markii uu soo naaxayna waxa ay dib ugu celiyeen jeelkii ay ku hayeen.
Illaa iyo hadda majirto wax cad oo uu maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ku heysto wiilkaan dhalinyarada ee naafada ah, iyadoo lasoo warinayo in si gardarro ah loo xiray Cabdi Xirsi.
Sidoo kale maamulka degmada Lahel-Yucub ee dhulka Soomaali-galbeed islamarkaana taabacsan Xabashida Itoobiya, ayaa waxa uu isana xarig iyo dhibaatooyin kale ku hayaa qaar kamid ah dhalinyarada degmadaas.
Maamulka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafayba waxa uu beegsi ku hayay dhalinyarada degmada, taas oo keentay in qaar kamid ah xabsiyada la dhigo halka kuwa kalana ay isaga cararaaan halkaas.
Mudooyinkii u danbeeyay, waxaa isa soo tarayay tacaddiyaadka ay maleeshiyaadka Liyu Bolis ka wadeen degmooyinka iyo deegaannada dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya, kuwaas oo isugu jira dil, xarig iyo burburinta guryaha dadka rayidka ah.