Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsXaalad Degdeg ah oo Looga Dhaawacay Dalka Eretrea.

Xaalad Degdeg ah oo Looga Dhaawacay Dalka Eretrea.[DHAGEYSO]

Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eeretrea ayaa ku waramaya, in xaalad degdeg ah looga dhawaaqay magaaladaas iyo guud ahaan dalka.

Dad ku sugan magaalada Asmara ayaa soo warinaya, in xukuumadda dalkaas ay heegan galisay ciidankeeda, sidoo kalana amartay maamullada waddanka ka jira inay degdeg u howlgaliyaan ciidanka, shaqadana lagu soo celiyo kuwa fasaxa ku maqan.

Dadka ay da’doodu u dhexeyso 18 illaa 60 sano, ayay sidoo kale xukuumadda Asmara maamullada ka jira dalkeeda ku amartay in si degdeg ah tababar ugu xareeyaan.

Xaaladahaan laasoo rogay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah, in muwaadinka ay da’diisu ka yar tahay 50 sano uusan dalka ka bixi karin rag iyo dumar kuu doonaba haa ahaadee.

Tani ayaa argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku dhaqan dalka Eretrea, waxayna sii kordhisay walaaca laga qabo in Itoobiya iyo Ereterea ay markale ku dagaallamaan gobalka.

Xaaladahaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo wasiirka warafaafinta ee Eretrea uu si kulul uga jawaabay, hadal kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Itoobiya, kaaas oo sheegay in Asmara ay u diyaar garoobeyso dagaal ay mandiqadda ka huriso, faragalin ballaaaranna ku heyso Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Eretrea

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.