Xabsiyo Qarsoodi ah iyo xabaal wadareedyo ayaa laga helay saldhig ay kooxda RSF ka deganaayeen Waqooyiga magaalada Kharduum Baxri ee dalka Suudaan.
Arrintan ayaa la ogaaday kadib markii ciidamada Suudaan ay la wareegeen saldhigaasi, oo gudihiisa loogu tegay xasbi qarsoodi ah iyo goob dadka lagu tacdiibiyo, sida laga soo xigtay wargeysa the guardian ee laga leeyahay dalka Ingiriiska.
Wargeysku wuxuu sheegay in boqolaal qof oo kamid ah dadka laga helay xabaal wadareedka la kulmeen tacdiib iyo gaajeysiin kahor inta aan lagu duugin qubuur qarsoodi ah oo ku taalla Waqooyiga magaalada Al-Kharduum ee caasimadd Suudaan.
Marka laga hadlayo gudaha xasbigan qarsoodiga ah wuxuu wargeysku sheegay in loogu tegay silsilado iyo qolal ugaar ah ciqaabta oo dhiig lagu dhex arkay.
Wargeyska oo dhacdadan kasii hadlaya ayaa intaasi ku daray in gudaha xabsigan loogu tegay ugu yaraan 550 qabri, kuwaasoo intooda badan ah qabriyo cusub, qaarkoodna ay meydadku ugu aasanyihiin si wadar ah.
Marka la fiiiro kahor dagaalka sawiradii laga qaaday goobtan laga helay xabaal wadareedyada, ma aheyn qubuur iyo meel dadka lagu duugo, balse dadka degaanku waxay sheegeen in ay jiraan dad ay xirteen kooxda RSF oo dhintay, kuwaasoo la rumeysan yahay in aagga laga helay xabaalahan lagu aasay.