War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa looga hadlay dagaalladii maanta ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
War saxaafadeedka oo ku qoran luuqadda Soomaaliga ayaa lagu sheegay, in dhamaan goobihii lagu dagaallamay ay gacanta ku hayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dagaalladana lagu dilay ciidamo badan, hub iyo gaadiidna lagu furtay.