Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa lagu waramayaa iney dhawaan yeelan doonaan kulan toos ah, oo noqonaya kii ugu horeeyay ee dhexmara labada nin kudhawaad hal sano.
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ka sheegay shir-madaxeedka bulshada bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtay magaallada Caruusha ee dalka Tanzaniya, inuu jiri doono kulan dhexmari doona isaga, Xasan Sheekh Maxmuud, Abiy Axmed iyo madaxweynaha dalka Uganda Museveni.
“M/weyne Museveni, aniga, walaalkeey Xasan Sheekh, iyo R/wasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya William Ruto.
Inkastoo madaxweynaha Kenya aanu sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo kulankan, hadana haddii uu dhaco waxay noqoneysaa in tan iyo markii uu Abiy Axmed si toos ah u sheegay inuu boobayo badda Soomaaliya, uu la kulmo Xasan Sheekh Maxmuud.