War kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Murutaaniyah maalintii shalay oo Isniin ahayd, ayaa lagu sheegay iney soo jeedinayaan in madaxweynihii hore ee wadankaas Walad Cabdul Caziiz lagu xukumo labaatan sano oo xarig ah.
Walad Cabdul Caziiz ayaa lagu eedeeyay in intii uu madaxweynaha ka ahaa dalka Murutaaniya, uu awoodiisa u adeegsaday dano shakhsi ah, uuna gacanta ku dhigay lacago aad u farabadan oo uu jeebkiisa ku shubtay.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Murutaaniyah Sayidi Muxamad Walad ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee dalkaas, inuu madaxtooyada dalka u bedeley goob ay ku badanyihiin dullaallada, oo lacago farabadan looga qaabto dadka maalqabeenka ah ee doonayay iney maalgashadaan wadanka.
Walad Cabdil Caziiz ayaa maamulayay dalka Murutaaniayh intii u dhexeysay sanadihii 2008-da illaa 2019-ka, waxaana uu xabsi ku jiraa tan iyo 2023-da isagoo ah xukun suge, lamana oga go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda Racfaanka ee dalka Murutaaniyah oo uu hadda kiiskiisa horyaalo.