Xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil xilli uu ku sugnaa qeybo kamid ah dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Jubbaland.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo C/Qaadir Jeylaani oo kamid ah xildhibaanada Dowladda Federaalka ee kasoo gala waxa loogu yeero Baarlamaanka Fedaraalka dhanka maamulka la baxay Jubbaland, ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo uu la damacsanaa mas’uul katirsan Dowladda Fedaraalka.
Wasiirka amniga xukuumadda Fedaraalka ayuu sheegay xildhibaankan, inuu tiro dhowr jeer ah isku dayay inuu dilo.
Xildhibaanka oo ku sugnaa xarunta xarunta waxa loogu yeero Baarlamaanka marka uu hadalkan sheegayay, ayaa loo diiday inuu hadalkiisa sii wato, waxaana lagu furay buuq.