Xillibana Ilyaas oo kamid ah baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa weerar afka ah ku qaaday Cabdullaahi Sanbaloolshe, oo ah taliyaha Sirdoonka Dowladda Federaalka.
Xillibaankan ayaa sheegay in Hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka ay gabtay howshii ay lahayd, taliyaheedana uu xilligan wareegayo duurka, isagoo baadiyeysan, sida uu hadalka u dhigay.