Xildhibaanno katirsan baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa kasoo horjeestay go’aan kasoo baxay gudoomiyahooda, iyadoona la sheegay iney wadaan muushin isaga ka dhan ah.
Waxaa warsaxaafadeed ay soo saareen in ka badan 100 xildhibaan oo katirsan Dowladda Fedaraalka ay si adag kaga horjeesteen, go’aan kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka ninka lagu magacaabo Aadan Madoobe.
Go’aanka Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay, in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinnimadiisii golahaas, taas oo ay kasoo horjeesteen xildhibaannadaan.
Tallabadaas ayay ku tilmaameen iney gabi ahaaanba kasoo horjeedaan islamarkaana aysan waafaqsaneen sharcigooda, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in xildhibaannadaas ay wadaan muushin ka dhan ah Aadan Madoobe.