Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsXukuumadda Raafidada Ciraaq oo Ciidamo Badan soo Tubtay Xadka Suuriya.

Xukuumadda Raafidada Ciraaq oo Ciidamo Badan soo Tubtay Xadka Suuriya.


Maalintii shalay oo Jimco ah ahayd xukuumadda fadhigeedu yahay Baqdaad ayaa ciidamo dheerad ah usoo dirtay xuduud beenaadka ay la leedahay dalka Suuriya.

Afhayeen ku hadlayay afka Hogaamiyaha ciidamda xukuumadda Ciraaq ayaa sababta ay ciidamada ugu soo direen xadbeenaadka Suuriya ay la leeyihiin ku tilmaamay, cabsi ay ka qabaan iney usoo gudbaan kooxaha kacdoon wadayaasha, oo uu dagaal korleh ka bilowdo gudaha dalkaasi.

Dalka Ciraaq ayaa waayo badan waxaa lagu yaqaan Jihaad lalagalay ciidamadii Mareykanka iyo kuwa Shiicada, waatan cabsida ku beereysay xukuumadda Ciraaq iney mar kale la kulanto kacdoon hubeysan, xaalka wadanka Kuna iska bedelo sida uu hadda yahay.

Dowladda Raafidada ee ka Talisa Ciraaq ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haysa Muslimiinta ku nool wadankaasi, waxayna dadkii ahlusunnada qaar badan oo kamid ah u gacangaleen Shiicda oo xabsiyda ka biixisay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.