Monday, March 3, 2025
HomeAll NewsXuuthiyiinta oo Xiray Masjid ku Yaalla Yeman Lagana Cabsi Qabo Iney Xero...

Xuuthiyiinta oo Xiray Masjid ku Yaalla Yeman Lagana Cabsi Qabo Iney Xero Ciidan ka Dhigtaan.

Masjidka Sabbaan Al-Athari oo loo yaqaan masjidka Al-Faaruuq Cumar Ibnu Al-Khadhaab Alle haka raali noqdee, ayaa wahahaya xaalad adaga kadib markii ay albaabada uxireen malleeshiyada Xuuthiyiinta.

Wuxuu masjidkani ku yaalla magaalada Ib ee qadiimiga ah oo ku taalla dalka Yaman, wuxuuna xilligan uxiran yahay Xuuthiyiinta, iyadoo laga cabsi qabo iney ubedelaan xero ciidan oo ay degan yihiin malleeshiyadooda ama kuwa hogaanka u ah.

Waxay diideen in lagu dukado iyagoo jamaacadii masjidka ka celiyay, arrintaasi ayaana waxaa aad uga xumaaday dadka Muslimiinta ah ee ku nool halkaasi, waliba waxay arrintan kusoo aadday xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xuuthiyiinta ayaa caadeytay ku xad gudubka diinteena iyo dadkeyna, waxayna meelaha ay ka joogaan Yaman Muslimiinta ula dhaqmaan si aad ufool xun.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.