Taliska Ciidamada Yahuudda ayaa maalintii shalay war uu kasoo saaray duqeyn ka dhacday mandiqadda An-nabadhiyah ee Koonfurta Lubnaan ku sheegay, iney dileen Sarkaal Sare oo katirsan ururka Shiiciga ah ee isugu yeera Xisbullaah.
Xasan Cabbaas oo lagu sheegay inuu yahay mas’uulka ciidamada cirka ee ururka ayey ciidanka Yahuuddu sheegeen iney ku dileen duqeyntan oo ahayd mid dhanka hawada ah, islamarkaana ay fuliyeen diyaarado ay leedahay Yahuudda.
War-Saxaafadeedka kasoo baxay Sanahaayinada ee lagu xusay in ninkan ay sheegteen dilkiisa uu saameeyay isku dayo uu dib ugu dhisayo ciidanka uu mas’uulka ka yahay, maadaama dagaal khasaare culus uu kasoo gaaray ay dhawaan la galeen Yahuuda.
Dhanka kale mid kamid ah Afhayeenada ciidamada Yahuudda ayaa sheegay in isla shalay duqeyn kale oo ka dhacday Koonfurta Lubnaan ay la beegsadeen saldhig ay leeyihiin isla ururkan.