Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Ku Howlan Weeraridda Dalka Suuriya oo Isbedel Maamul Ka Dhacay.

Yahuudda oo Ku Howlan Weeraridda Dalka Suuriya oo Isbedel Maamul Ka Dhacay.


Maalmihii udambeeyay waxaa iska soo tarayay xad gudubyada uu maamulka gumeystaha Yahuuddu kula kacayo Muslimiinta dalka Suuriya ee dhawaan iska dulqaaday nidaamkii Shiiciga ahaa ee Nuseyriyada.

Tan iyo xilligaasi Yahuudda guluf dagaal kama aysan deyn Suuriya, waxayna xilligan billowday iney ku guudiso iney duulaan Millateri ku qaadi doonto wadankaasi, iyadoo marmarsiiyo ka dhiganeysa iney difaaceyso koox Baadiniyo Shiico ah oo aan wax diin ah haysan dhanka kalena wathaniyiin ah.

Kooxda loo yaqaan Duruuzta ee ku abatirsada kooxo badan oo Shiico ah oo ay kamid yihiin Ismaaciiliyiinta iyo Faadimiyiintii kolhore ka talinjiray qeybo kamid ah dhulalka Muslimiinta, ayey haatan Yahuuddu dooneysaa iney marmarsiiyo uga dhigato difaacidooda duulaanka ay la damacsan tahay Suuriya, waxaana isa soo taraya madaxda Yahuudda ee ku goodinaya iney weerari doonaan wadankaasi, haddii wax uun la gaarsiiyo kooxdaasi Shiicda ah.

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Yahuudda ninka lagu magacaabo Natanyahu oo lasoo saaray galabnimadii shalay ayaa lagu sheegay, iney beegsandooto Yahuuddu dowladda ka dhisan Suuriya, haddii ay wax weerar ah la kulanto kooxda Duruuzta ee ku nool magaalada Jarmaana ee dhacda Koonfurta Dimishiq, xilli ay kooxdaasi falal amniga lid ku ah kawaddo dalkaasi, islamarkaan Jimcihii lasoo dhaafay ay dileen mid kamid ah askarta xukuumadda wadankaasi.

Wasiirka amniga Yahuudda ayaa dhankiisa ku goodiyay, iney duulaan Millateri oo dhanka dhulka ah ku qaadi doonaan Suuriya haddii ay wax yeello gaarsiiyaan kooxdan Shiicda ah.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda amniga Yahuudda ayaa lagu yiri: ‘’ uma ogolaaneyno nidaamka argagixisada ee xagjirka ah iney wax dhibaato ah gaarsiiyaan Duruuzta’’

Warka kasoo baxay wasaaradda amniga oo sii socda ayaa lagu sheegay iney cawaaqib ka dhalandooto dusha uridan doonaan haddii ay iska dhiciyaan kooxda Shiicda ah, islamarkaana ay Yahuuddu ku amartay ciidankeeda diyaargarow dagaal.

Isku soo wada duuboo Yahuudda ayaa xilligan daandaansi ku haya Muslimiinta Suuriya, waxaana la gudboon ineysan fadhigooda ku sugin cadawga Muslimiinta kan ugu daran oo ah Yahuudda, kaasoo ka xumaaday isbedelka ka dhacay wadankaasi dhanka kalena ubaqaya amnigooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.